Xuutiyiinta Yemen ayaa la rumaysan yahay inay jareen saddex xarig ah kuwa xambaara internetka iyo isgaarsiinta caalamiga kuwaas oo hoos mara badda cas ka dib weeraro ay ku qaadeen maraakiib maraysan marin biyoodkaas.
Marin biyoodka badda cas ayaa wajahaya mid ka mida xiisadihii ammaan darro ee ugu weynaa tan markii ay falaagada Xuutiyiintu bilaabeen inay bartilmaameedsadaan maraakiibta ganacsi ee maraysa badda cas.
Ilaa hadda ma cada si rasmi cida goysay xariga balse waxa xoogan in Xuutiyiinta loo badinayo inay jareen xargahaas.
Iyadoo maraakiibta caalamiga ah ay mar hore hakad gelisay badda cas, oo ah marin muhiim ah oo shixnadaha xamuulka iyo tamarta ee Aasiya iyo Bariga Dhexe ilaa Yurub, kharribaadda khadadka isgaarsiinta ayaa sii kordhin karta dhibaatada bilaha ah.
0 Comments