Latest Article

6/recent/ticker-posts

wasaarada lacagta Maraykanka ayaa soo saartay liis ay ku jiraan shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu soo rogay xayiraad

 Waaxda hantida dibadda ee wasaarada lacagta Maraykanka ayaa soo saartay liis ay ku jiraan shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu soo rogay xayiraad loona jeediyey inay dhaqaale u ururiyaan kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.



Shaqsiyaadka iyo shirkadaha la xayiray ayaa xarumahoodu ku yaalaan geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo jasiirada Qubrus. Shabakadan waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inay dhaqaale ku taageereen ururka Al-shabaab. 

Warka ka soo baxay Maraykanka waxaa lagu sheegay in dadka ku jira shabakadani ay ka mid yihiin ganacsato saamayn leh oo ku sugan gobolka, kuwaasi oo taageero maaliyadeed siiya Al-Shabaab oo xirir la leh Alqaacida kana masuul ahaa sida xogtu sheegtay weeraro dad badan oo rayid ah ku dhinteen oo ka dhacay bariga Afrika.

"Maraykanka waxaa ka go'an in uu la shaqeeyo saaxiibada gobolka si loo ciribtiro shabakadaha maalgelinta argagixisada iyo hay'adaha ay ku takri falaan si ay u ururiyaan oo ay u dhaqaajiyaan dhaqaalaha," ayuu yiri ku xigeenka Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson.

Post a Comment

0 Comments