Garabka Al Qacida ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay geerida hogaamiyihii ururkaasi Khaled Batarfi, balse ma aysan cadeyn qaabka uu u dhintay. Muuqaal ay baahisay Al-Qaacida qaybteeda jasiirada carabta ayaa muujiyey maydka Khaalid oo ku duduban maro cad iyo calanka ururka.
Markii kooxdku ku dhawaaqday geeridiisa, qofkii akhrinayey bayaanka ma sheegin sida uu u dhintay balse waxaa loo adeegsaday erayo ka turjamayey in loo dilay si la mida sidii sarakiisha kooxda hore loogu dilay.
Khaalid Batarfi, waa muwadin Sacuudiyan ah oo afartan sano jir ah, wuxuu noqday hogaamiyaha Al Qaacidada Jaziirada Carabta sanakdii 2020-kii
Mareykanka ayaa sanadkii 2018-kii ku tilmaamay inu yahay “argagixiso caalami ah” wuxuna abaal-marin lacageed oo dhan 5 milyan oo dollar dul dhigay qofkii keena xog isaga ku saabsan.
Khaalid Batarfi, Hogaamiyihii Al-Qaacida ee jasiirada carabta oo geeridiisa la shaaciyey
0 Comments