Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya, Jeneral Birhanu Jula Gelalcha oo la hadlayey warbaahinta ETV ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay qayb ka yihiin kuwa masuulka ka ah amniga Soomaaliya xilli labada dal ay u dhaxayso xiisad ka dhalatay heshiiskii MoU ee ay Addis Ababa ku gaareen Itoobiya iyo Jamuuriyada Somaliland.
Jeneral Birhanu Jula Gelalcha ayaa xusay in wax ka badan kala bar dhulka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan amnigiisa ciidamada Itoobiya, islamarkaana ciidankooda uu qeyb weyn ka yahay nabadeynta Soomaaliya. “Ciidankii Itoobiya waa kuwii Muqdisho qabtay ” ayuu ku yiri waryasiga uu bixiyey.
Waxa uu sheegay in siyaasiyiintu aysan muujin xushmad la mid ah tan shacaka Soomaaliyeed u muujiyeen ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay Soomaaliya.
Soomaaliya ayaan jawaab ka bixin ilaahada hadalada uu sheegay Jeneralka Itoobiyanka ee sheegay in ay dhul balaaran Soomaaliya ay fariimo ku leeyihiin ciidamadiisu.
0 Comments