Latest Article

6/recent/ticker-posts

kulamada lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay Magaalada Nayroobi

 Dedaalka dhexdhexaadinta oo ay hormuud u tahay dowladda Kenya ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro khilaafka dowladaha Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haya is-afgaradka ay Itoobiya la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas weerar qaawan oo ay Itoobiya usoo qaaday madaxbanaanida dhuleed iyo midnimo.

Somaliland waxay ku tilmaamtay is-afgaradka oo Itoobiya looga kireyno marin bad oo toos ah iyo saldhig ciidan in uu horseedayo inay Addis Ababa noqoto dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata.

Dowladda Soomaaliya ayaa diidan inay wada hadal toos ah la gasho Itoobiya kahor inta ay ka noqonayso is-afgaradka




Post a Comment

0 Comments