Latest Article

6/recent/ticker-posts

Faahfahinta dabka ka kacay suuqa Bakaaraha iyo gurmadka oo socda ilaa hada

 Waxaa socda gurmad iyo dadaallo lagu deminayo dab saakay ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo gawaarida dab-damiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay halkaasi gaareen.


Dabka oo billowday aroortii hore ee saakay ayaa gaar ahaan ka kacay goobaha ganacsi ee ku yaalla waddada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye.


Ilaa 12 boos oo isku wareeg ah ayaa gubatay, waxaana lagu iibin jiray elektarooniga iyo bagaashka, qaarkood ayaa gebi ahaanba baaba’ay, halka qaarna weli ay gubanayaan.


“Halkan musiibo ayaa ka dhacday, mobeyllo iyo waxyaabo kale ayaa ku qarxay” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada suuqa oo la hadlayay warbaahinta qaranka dowladda Soomaaliya.


Mas'uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay kooxda al-Shabaab inay ka dambeeyeen dabka oo ay walxaha qarxa dhigeen suuqa, sidaasna uu dabku ku billowday.


Bishii January ee sanadkii hore ayay ahayd markii dab sidan oo kale ah uu suuqa ka kacay, halkaasoo ay ka dhalatay khasaare ba'an.


Mid ka mid ah haweenka maqaayadaha ku leh suuqa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dabku uu yahya mid xooggan oo siduu saakay u billowday aan la damin ilaa iyo haatan.


“Wax ii ceyntay malaha, wax walba oo gudaha maqaayadda ii yaallay way baaba’een, waan iska dul taaganahay hadda.” Ayay tiri.


Ganacsatada qaar ayaa dhanka kale sheegay in sababta uu dabku saa'id ugu faafay ay tahay in dukaamada qaar ay diideen in biyo lagu shubo si dabka loo demiyo. "Alaabta yaan nalaga qoynin waxay sababtay in guryo badan uu dabku gaaro," ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada.


Post a Comment

0 Comments