Xoghayaha guud ee Qaramada Midobay ayaa ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Sudaan.
Ka dib ku dhawaad hal sano oo uu socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo Xoogaga Taageerada degdega ah, Antonio Guterres ayaa ku booriyay dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan colaada inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ee soo socota.
Codsigiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ka wada xaajoonayaan qaraar qabyo ah oo ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah iyo gargaar bini'aadantinimo oo aan la carqaladayn - kaas oo laga yaabo in codeeyo maanta oo Jimco ah..
0 Comments